SOMALILAND:Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Furay Xarun Lagu Daryeelayo Kutubta Qur’aanka Kariimka
November 25, 2020 - Written by admin
Hargeysa (Hayaannews) –
Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh cabdilaahi Axmed ayaa
magaalada Hargeysa ka daah-furay xarun cusub oo lagu dayactirayo islamarkaana
lagu daryeelayo Kutubta Qur”aanka kariimka ah.
Munaasibada lagu daah-furayay xaruntaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay Sheekh Aadan Maxamuud Xiir (Sheekh Aadan Siiro) iyo culimaa udiin kale.