SOMALILAND:Xisbiyada Qaranka Oo Muujiyay Wadda-jir, Fariina U Diray Shacabka Reer

Hargeysa (Hayaannews) Hoggaanka saddexda xisbi qaran ee Somaliland KULMIYE, UCID iyo WADDANI, ayaa bulshada u soo jeediyay inay doorashada uga qayb-qaataan si nabad ah, kana digtoonaadaan talaabo kasta oo wiiqi karta habsami u socodka doorashada.

Gudoomiyeyaasha Xisbiyada UCID, Waddani Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga KULMIYE ahna wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo si wada jir ah warbaahinta ula hadlay ayaa ku guubaabiyey guud ahaan Shacabka Somaliland inay si waddaniyad ku jirto uga qayb qaataan Codbixinta doorashada ee beri iyadoo qof kastaa xor u yahay cida uu dooranayo.

Hogaanka Saddexda Xisbi qaran waxaa kale oo ay u soo jeediyeen Murashixiinta ku loolamaysa doorashooyinka isku sidkani inay maanka ku hayaan inuu soo idlaaday Ololihii doorashadu isla markaana ay u hogaansamaan Shuruucda doorashadda.

 

Waa markii ugu horaysay taariikhda geedi socodka Doorashooyinka Somaliland ee ay dalka ka dhacayaan laba doorasho oo isku lamaan oo ay ku kala tartamayaan golayaasha deegaanka 552 Murashax halka ta golaha wakiillada ay ku loolamayaan 246 Murashax oo guud ahaan isku noqonaya 798 Murashax Waxay doorashadu ka dhici doontaa 23 Degmo doorasho oo dalka oo dhan ah, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,709 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net  oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com