#SOMALILAND:Xukuumadda Oo Bilowdey Dhaqankii Digteytaradda ee Ahaa in Faafreeb Lagu Sameeyo Buggaagta Lagu Soo Daabaco Dibadda

“Berrina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceeb!”—AHUN Abwaan Maxamed Nuur Fadal

Hargeysa(Hayaannews): Xukuumada Somaliland ayaa bilowdey inay faaf-reeb ku sameyso buugaagta lagu soo daabaco dibada ee ka soo degto Madaarka Hargeysa,waxaana muddo dhowr maalmood ah halkaas ku xaniban xamuulka buugga “Mayal” oo u qorey Abwaan Cabdiraxmaan Abees, kaas oo ay soo daabacdey Shirkada Hiil Press.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka tirsan Bahda Hal abuurka Somaliland ayaa warbixin kooban soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka ee Hayaannews, kadib markii Buuggiisa “Mayal” ee Xukuumadda Somaliland ku xanibtey Madaarka Hargeysa waxa uu ku bilaabey sidan;

“Nasiibdarro, saddex habeen ka hor waxa ay shirkadda daabacada ee Hiil Press, oo ahayd shirkaddii daabacaysay buugga aan qoray ee “Mayal” igu wargalisay in qayb ka mid ah ay Xukuumaddu haysato oo ay u xanniban yihiin ilaa hadda. Buuggu waxa uu xammuul ahaan uga soo degay Cigaal International Airport, sida uu xogta igula wadaagay agaasimaha Hiil Press, taas oo aanan hore u sii ogayn.

Agaasimaha shirkadda Hiil Press, Cabdilladiif Ismaaciil Cali Geelle (Cabdilladiif Geelle), waxa uu ii sheegay in buugga markii hore uu qabsaday Taliyaha Saldhigga Ciidanka Madaarka oo la yidhaahdo Saalax. Waxa uu hadalka iigu daray Agaasime Cabdilladiif in markii uu taliye Saalax u tagay ee uu ka codsaday in uu u oggolaado in buugga “Mayal” uu la baxo, in taliye Saalax ku yidhi, “Buugga meel iga sarraysa ayaa laga haystaa, oo uu hadda u xanniban yahay,” waxa uuna u tilmaamay Taliyaha Ciidanka Booliska SL oo ah taliye Dabaggale.

Sida uu ii sheegay Cabdiladiif, waxa ay is arkeen taliye Dabagale 15-kii bishan Jeeniwari ee aynu ku jirno, oo ahayd Sabtidii dhawayd. Taliye Dabaggale waxa uu Cabdilladiif u sheegay in buugga meel isaga ka sarraysa laga haysto, sidoo kalana la hubinaayo lana soo akhrinayo waxa ku qoran. Maaddaama aniga iyo shirkadda Hiil Press aannu heshiis ku wada galnay in ay gacantayda soo galinayso buugga, waxa uu saddex habeen ka hor agaasime Cabdilladiif iga codsaday in wadahadal uu u socdo isaga iyo xukuumadda, aniguna aan waqti gaaban siiyo, taas oo aan ka aqbalay. Waxa uu  Agaasime Cabdilladiif maanta duhurkii ii sheegay in uu tagay Cigaal Airport, isla markaana uu la kulmay taliye Saalax, oo Taliyuhu yidhi, “Buugaagtii waxa loo gudbiyay CID-da, waana ay rarteen.”

Waxa jira arrimo aad u qarsoon iyo ammuuro badan oo wixii buugga dib u dhigayay ay ka mid yahiin, kuwaas oo aanan rabin in aan hadda ka hor dhaco, inta xog sugan ay shirkadda Hiil Press igaga soo celinayso, iyada oo shirkaddu iga codsatay in aan siiyo muddo toddobaad ah. Wixii ka soo baxa ama ku soo kordha haddii Rabbi idmo waa aan idinla soo wadaagi doonaa.

Waxa aan bahda akhriska, intii buuggan “Mayal” sida gaarka ah u sugaysay iyo dhammaan bulshoweyntaba ugu bushaaraynayaa in ay iga go’an tahay in aan si walba oo macquul ah aan buuggaas dhowaan idinku soo wada gaadhsiiyo, haddaan nabad ahay idan Alle.

“Berrina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceeb!”—AHUN Abwaan Maxamed Nuur Fadal. Sidii roon Allahayoow!

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com