Somaliya Oo Soo Bandhigtay Hal Sabab Oo Ay Dalka Uga Mamnuuci Wayeen Shirkadda DP World.

Somaliya Oo Soo Bandhigtay Hal Sabab Oo Ay Dalka Uga Mamnuuci Wayeen Shirkadda DP World.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hal arrin u sababeysay inan lagu deg degin shirkadda DP World dalka in laga mamnuuco, iyadoo shirkadda ay maamusho dekeddo ku yaalla Berbera iyo Boosaaso.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababta uusan madaxweyne Farmaajo ugu raacin Baarlamaanka go’aanka ay dalka uga mamnuuceen shirkadda fadhigeeddu yahay Dubai ee DP World, wuxuu sheegay in xukuumadda iyo madaxtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go’aankaasi oo uu ku tilmaamay mid ay curiyeen xildhibaannada golaha shacabka.

” Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la’yahay in aysan sii fogaan walaalaheen Soomaaliland iyo in wada-hadalka aysan saameyn arrintaasi”. ayuu u sheegay telefishinka maxalliga ah ee Goobjoog, isagoo inta raaciyey

” Sharcigaasi waa mid uu curiyey golaha shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumadda ama madaxweynaha uu wax kala socdo, xitaa saldhigga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto”.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii March ee sannadkii hore 2018kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkadda DP World ,iyadoo xildhibaannada ay go’aanka soo saareen markii Soomaaliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis saddex geesood ah oo lagu ballaarinayo marsadda Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo.