HAYAANNEWS.NET
#SONALILAND: Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweyne Biixi oo si Balaadhan Loogu Soo  Dhaweeyay Dacar-budhuq, Abdaal Ilaa Berbera
November 18, 2021 - Written by admin

Hargeysa(Hayaannews): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo  Safar shaqo maanta kaga ambobaxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmooyinka Dacar-budhuq, Abdaal iyo tuulooyinka kale, waxana ay gaadheen  laguna qaabiley magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire  Faarax (Giirre) xubno ka tirsan golaha wasiirrada, siyaasiyiin iyo madax  kala duwan oo xukuumadda katirsani, ayaa markii ay gaadheen magaalada Dacar-budhuq ee xarunta degmada Laasgeel, waxa halkaas soo dhaweyn diirran ugu sameeyey shacabka reer Dacar-budhuq  oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay hoggaaminayaan masuuliyiinta degmadu,  waxana uu madaxweynuhu  halkaas ka jeediyey khudbad uu shacabka ugaga mahadnaqayo soo dhaweynta waddaniyaddu ka muuqato ee ay ku qaabileen.

Dadweynaha degmada Abdaal, ayaa iyaguna markii ay madaxweynaha iyo weftigiisu soo gaadheen si mug leh halkaas ugu soo  dhaweeyey, waxana  ay ku qaabileen wejiyo farxad leh oo ay ka muuqato taageero iyo niyadsami waddaniyad huwani.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa markii ay gaadheen magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxa halkaas soo dhaweyn aan kala hadh lahayn ugu sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka Saaxil, xildhibaanno iyo siyaasiyiin gobolka kasoo jeeda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay hareero socdaan Boqollaal dadweyne ah oo soo dhaweeyey socod lug ah ku mareen shaaracyada waaweyn ee magaalada Berbera.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews