Soo Dhaweyn Lagu Muuneeyey Suldaanka Abokor Axmed Ee Beel-weynta ARAB Iyo Casuumad Loo Sameeyey DAAWO SAWIRADAN
July 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):Suldaanka Abokor Axmedka Ee Beel-weynta
ARAB Suldaan Keyse Badde Cabdille ayaa si diiran loogu soo dhaweey duleedka
Koonfureed ee Magaalada Hargeysa, kadib markii dhawaan lagu soo caleemo saaray Magaalada Abokor Axmed oo ee ka tirsan degmada
Xarshin ee Ka tirsan Gobolka Faafan.
Munaasibada soo dhaweyanta si meeqam sare ah la isugu soo
duba riday ayaa waxa ka soo qeybgalay Cuqaal. Odayaal, Siyaasiyiin, Dhalinyaro,
Haween kuwaas oo caleemo qoyan iyo heeso ku soo galbiyay Suldaanka, waxaanay ku
soo wareegeen Magaalada Hargeysa oo si weyn looga dareemay.
Suldaan Keyse Badde ayaa ah nin dhaqan-yaqaana oo dadka si
wanaagsan u kala yaqaana, waana Waayo-arag soo jireena oo ku dhac leh.
Suldaanku waxa uu ballan-qaaday inuu dhex u noqon doono
Xisbiyada Siyaasadda Mucaarid iyo Muxaafid-ba “Waxaan dhex u noqon doona Xisbiyada Siyaasadda
Mucaarid iyo Muxaafid-ba, umadda waxaan ku maamuli sinaan iyo Cadaalad,
waxaanan ILAAHAY ka baryayaa inuu igu soo asturo Xilkaa suldaanimo ee laygu
caleemo saaray”.
Suldaan Keyse Badde waxa uu ku bogaadiyay ururka Hablaha ee
DALAAD Casuumada Qado-sharafta ee ay ku qaabileen “Ururka Hablaha ee DALAAD aad
iyo aad ayay u mahad-san yihiin, waxay noqdeen ciddi ugu horeysay ee Casuumad I
sameysa taariikhadana baal-dahaba ayay ka galayeen.Waxa kale oo aan u
mahad-celinayaa cidkasta oo ka qeybgadatay caleemo saarkayga”
Caaqil Axmed Ciise,Oday Kayd Mudhleeye, Mujaahid Iid jiicr Aw
Axmed iyo Maxamed-Food-yare oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si isku mida ugu
duceeyeen Suldaan Keyse Badde Cabdille inuu ILAAHAY xilkaasi ku soo asturo,
waxaanay madaxda dhaqanka ugu baaqeen inay Suldaanka cusub la shaqeeyaan
maadaama uu ku soo biiray saaxada dhaqanka.
Khasnajiga Ururka Hablaha ee DALAAD Xafsa Maxamed Xandule, Muuna Xasan Warsame iyo Safiya Aadan Ismaaciil oo ka hadlay Casuumada qado sharafta ee ay ku maamuuseen Suldaanka Cusub Abokor Axmed ee Beel-weynta ARAB Suldaan Keyse Badde Cabdille,waxaanay si isku mida u bogaadiyeen Suldaanka iyaga oo ILAAHAY uga baryay inuu xilkaasi cusub ee loo caleemo saaray ku soo Asturo.