Soo Dhaweyntii Lagu Qaabilay Weftiga Somaliland Ee Taiwan Oo Kulamo La Qaadanaya Madaxweynaha Taiwan iyo Madaxda Shirkadda CPC

Taipei (Hayaannews)- Wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Essa Kayd Mohamud ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Taiwan ee Taipei oo si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Taipei waxa weftiga Wasiirrada Somaliland ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada xukuumadda madaxweyne, Tsai Ing-wen.

Weftiga Somaliland oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Horumarinta Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga, ayaa safarkoodu la xidhiidhaa marti-qaad rasmi ah oo Somaliland ka heshay dowladda Taiwan, waxaanu dalkaas  safarkoodu qaadan doonaa ilaa Sabtida toddobaadka dambe.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, weftiga Somaliland ayaa muddo shan Maalmood ah oo ay ku sugnaan doonaa dalkaas, waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen oo ay weheliyaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda iyo safiirka Somaliland u fadhiya Taipei, danjire Maxamed Xaaji.

Warku waxa uu intaas ku daray in Weftiga Somaliland Kulamo la qaadan doonaan madaxda shirkadda dalkaas u qaabilsan Sahaminta iyo Maalgelinta Shidaalka ee CPC.

“Somaliland iyo Taiwan waxa ay wadaagaan Qiyamka Caalamiga ah ee xorriyatul-qawlka iyo Dimuqraadiyadda, waxaanay hirgelisay nidaam dowladeed oo ku dhisan Kala-dambayn iyo ilaalinta xorriyatul-qawlka,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Taiwan iyo Somaliland ayaa badhtamaha sannadkii 2020-kii si ramsi ah u bilaabay xidhiidh dibloomasiyeed, iyagoo labada dhinacba xafiisyo wakiil ah danaha labada waddan ka furay magaalo-madaxyada Taipie iyo Hargeysa isla sannadkaas.

Taiwan ayaa Somaliland ka taageerta dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwa.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com