“Soo Saarista Tallaalka COVID 19 Looma Isticmaalin, Walxo Ka Yimid Doofaarka……” Shirkadda Talalka COVID 19 Ee AstraZeneca

Shirkadda AstraZeneca Oo Diiday Go’aan Ka Soo Baxay Golaha Culimada Indonesia

Jakarta(#Hayaannews): Shirkadda AstraZeneca ayaa maanta sheegtay in tallaalkeeda COVID-19 aysan ku jirin wax walxo ah oo ka yimid doofaarka, ayada oo ku gacan seertay go’aan kasoo baxay dalka ugu Muslimiinta badan caalamka ee Indonesia oo lagu sheegay in tallaalka uu ka hor-imanayo shareecada Islaamka.

Golaha ugu sarreeya culimada Indonesia ee Indonesia Ulema Council ayaa Jimcihii website-kooda ku sheegay in tallaalka uu yahay “xaaraam” sababtoo ah waxaa ku jira “walxo ka yimid dheecaanka dheefshiidka doofaarka.”

Si kastaba, golaha ayaa islamarkaana ansixiyey isticmaalka tallaalka sababtoo ah xaaladda deg deg ah ee ka dhalatay cudurka COVID-19.

Hase yeeshee, afhayeenka AstraZeneca ee Indonesia Rizman Abudaeri ayaa bayaan uu soo saaray ku yidhi “dhammaan heerarkii soo saarista tallaalka looma isticmaalin, wax xidhiidh ahna lama sameyn walxo ka yimid doofaar ama xoolo kale.”

Mas’uuliyiinta Indoneisa ayaa Jimcihii ansixiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca kadib markii ay eegeen warbixino ka yimdi Yurub oo ku saabsan in qaar ka mid ah dadkii qaatay uu dhiigga xinjir noqday.

Indonesia ayaa ka mid ah meelaha ugu darran qaaradda Asia ee uu cudurka ku faafay, waxaana laga diiwaan-geliyey 1,455,788, halka ay u dhinteen 39,447.

REUTERS

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland