SOOL: Dagaal Mar kale Qarxay Oo Ay Ku Dhinteen In Ka Baddan Tobban Qof

Holhol-(Hayaannews)-Dagaal ayaa saaka mar kale ka dhacay Ceelka Dhabar Dalool oo 25 Km kaga beegan dhinaca Koonfureed magaalada Xuddun ee gobolka Sool.

Wararka ay helayso Shabakad Wararka ee Hayaannews ayaa sheegaya in uu jiro khaasare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , sida oo kale waxa uu dhaawac kasoo gaadhay mid ka mid ah ergada nabadynata u tagta deegaanka colaadu ka jirto.

Dagaalladan maanta ilaa shalay ka dhacay meel u dhow degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa waxa la sheegayaa inay ku dhinteen in kabadan 10 qof, halka 20-meeyo kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhacay ceel biyaha laga cabo oo la isku qabsaday.

Cisbitaaladda Laascaanood iyo xudun oo markii la baaxa degayey bukaanka qaban xanuunka Covid-19 ayuu soo fuulay culayska oo la xidhiidha dadka ku dhaawacmay dagaalka ilaa shalay.

la-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ay arrin aad looga xumaado in xilliga oo jira bisha barakaysan ee ramadaan ee dagaal dhaco.

“Waa nasiib daro kale oo naxdinleh dagaalka maanta dhacay, Bishii Ramadaan oo aynu ku jrno, Abaarta iyo xanuunada jira in colaadina ku darsanto, waxaa kaloo aan marna caqliga saliimka ihi aqbalayn Nugaal oo ceel iyo deegaankaba inaga badan in intaas oo qof oo Muslim ah ehelna ah ay ku dhintaan.

Ilaahay colaada si deg deg haynooga qaboojiyo, dadkaa walaala ah ee Shaydaanku isku dirayna nabad waarta ha dhexdhigo” ayuu yidhi