SOOMAALIYA: 12 Musharrax Madaxweyne Oo Dowladda Farmaajo Ku Eedeeyey inay Afduubayso Doorashada 2021

Muqdisho(Hayaannews):- 12 Musharrax oo u taagan xilka madaxtinnimada Soomaaliya oo Sabtidii maanta Muqdisho kulan ku yeeshay, ayaa ka wadahadlay sidii loo mideeyn lahaa mowqifka hoggaamiyeyaasha Mucaaradka ah, isla markaana waxay si midaysan u dalbadeen in la helo nidaam doorasho la isku aamini karo in ay dalka ka dhacdo.

Musharrixiintu waxay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen inay diiddan tahay in la abuuro jewi doorasho oo la isku halayn karo, isla markaana ay doonayso inay qabato doorasho dhan ka raran.

Daahir Maxamuud Geelle oo saxaafadda la wadaagayay qodobbada shirka Musharrixiinta ka soo baxay, ayaa sheegay in Murashixiintu dhexdooda isa saamexeen, isla markaana ay ku heshiiyeen isbeddel siyaasadeed oo taabbagal ah iyo in la helo dowlad sal ballaadhan.

Musharrixiintu waxay cabasho weyn ka muujiyeen guddiyada doorashada ee dowladdu federaaalku magacowday, iyagoo ku dooday in ay u howlgalayaan maalmaha soo socda sidii wax looga beddeli lahaa guddiyadaas, maaddaama oo aanay Musharrixiintu ku wada kalsoonayn.

Waxay 12-ka Musharrax Madaxweyne ee doorashada 2021 ee Soomaaliya u taagani, iska fogeeyeen inay dowladda awooda ku haystaan amma ay carqalad gelinayaan doorashooyinka, balse dooddoodu tahay in wax la saxo, si doorasho xor iyo xalaal ah oo heshiis lagu wada yahay u qabsoomi karto.

Geesta kale, Guddoomiyaha Xisbiga Wada-jir ahna Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa faysbuug ku baahiyey ku sheegay in shirku saddex maalmood qaadan doono, isla markaana maalintii koowaad maanta soo dhammaatay, ka dib markii talooyin iyo waajibaad wax lagu saxayo lagu kala qaatay.

“Waxaa maanta qayb ka ahaa shirka musharaxiinta xilka Madaxweyne oo muddo 3 maalin ah soconaya. Shirka oo maalintiisii koowaad soo idlaaday ayaa hawla badan la isla meel dhigay, waajibaadna lagu kala qaatay, taasoo lagu saxayo hannaanka Doorashooyinka dalka oo haatan u afduuban madaxweynaha iyo taliska nabadsugidda.” sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya