SOOMAALIYA: Beesha Caalamka  Oo War Ka Soo Saartay Shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran

Mudisho(Hayaannews): Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka dhacay 29-kii Juunyo, ee laga soo saaray go’aano ka mid yihiin jadwal cusub oo doorasho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu yidhi “waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen. Jawigii tognaa ee shirka oo ay qeyb ka tahay xiriirka lala sameeyey saamileyda sida Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa aasaas u ah sii socod ka horumarka xagga doorashada.”

“Waxaan hoosta ka xariiqnay in Golaha Wadatashiga Qaranka ay go’aan muhiim ah ka gaareen jadwalka doorashada iyo doorka kooxda ka taageerta Farsamada Doorashada iyo ballaarinta lagu sameeyey si loogu daro Wakiillada Dowlad-Gobolleedyada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay inay soo dhaweyneynaan go’aanka ay Golaha Wadatashiga kala bar hoos loogu dhimay kharashka is-diiwaangalinta musharixiinta haweenka ah.

Waxay ugu baaqeen dhammaan saamileyda, oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka doorashada, inay u gutaan si karti leh masuuliyadahooda iyo balamihii iyadoon dib u dhac lahayn horena ugu sii socdaan.

“Waxaan ku qanacsanahay in hanaan doorosho deg deg ah, nabdoon oo hufan uu Soomaaliya ka caawin doono ku-laabashada dhabbaha xasilloonida iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka

War-saxaafadeedkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com