SOOMAALIYA: Cabdi Xaashi Oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Doorashada ee Gobolada Waqooyi

Muqdisho(Hayaannews): Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay guddiga doorashada ee soo xulista xubnaha xildhibaannada ee matalaya gobollada waqooyi.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay ilaa 8 xubnood oo uu sheegay in ay maamuli doonaan doorashada xubnaha xildhibaannada ee gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa ka dalbaday Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu howlgeliyo guddigan uu maanta magacaabay iyo afar xubnood oo kale oo uu horey guddoomiyuhu ugu magacaabay in ay ka mid noqdaan guddiyada Hergelinta Doorashada ee heer federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Senator Cabdi Xaashi ayaa sheegay in tallaabada uu maanta qaaday ay ka danbeysay ka dib markii sida uu yiri uu Ra’isulwasaare Rooble “si aan sharciga waafaqsaneyn noogu magacaabay xubno guddiyo doorasho oo aan wax wadatashi ah lagala yeelan ciddii xaqqa u laheyd.”


Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Cabdi Xaahsi ayaa laba asbuuc ka hor qoraal uu soo saaray ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya aanay xaq u lahayn in magacowdo guddiga doorashada gobollada waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha dowlad goboleedyada.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa shalay VOA u sheegay in guddiga ay dowladdu magacowday uu yahay mid sharci ah oo ay dowladdu magacaabistiisa sharciyad u haysato. Waxa uu sheegay in guddoomiyaha Aqalka Sare uusan xaq u laheyn inuu soo magacaabo guddiga doorasha ee gobollada waqooyi

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya