SOOMAALIYA: Golaha Midowga Murashaxiinta Oo Ka Horyimi Habraaca Doorashada

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa sheegay inay diideen habraacii shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka.

Midowga Murashaxiinta ayaa qoraal ay soo saraeen ku sheegay inay si gaar ah u didian yihiin qodobbada habraacaas ee la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Murashaxiinta.

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan.”

Goluha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid “dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay,” wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

“Goluhu wuxuu ku adkaysanayaa in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah, taas oo ah dan qaran oo masiiri ah, kana gudubsan danta tartame kasta ee xilliga dhaw,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO BAYAANKA Midowga Murashaxiinta.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com