SOOMAALIYA: Golaha Wasiirada Oo Ansixiyey Miisaaniyad KMG

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta isugu yimi shir uu guddoominayay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey miisaaniyad KMG ah oo dhan $206,474,223.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in miisaaniyaddan deg deg ah loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.

“Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa golaha wasiirrada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si buuxda leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muddo ka badan sanad ku jirta xaalad xil-gaadhsiin ah kadib markii madaxweyne cusub la dooran waayey markii uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, oo ku ekaa 7-dii Febraayo 2021, si loo soo dhiso dowlad cusub.

Dhameynta doorashada golaha shacabka Soomaaliya ayaa dhowr mar dib uga dhacday jadwallo loo qabtay, waxaana ay u egtahay inay mar kale ka dib dhici doonto waqtigii ugu dambeeyey ee loo qaabtay oo ah 15-ka Maarso.