SOOMAALIYA: Golaha Wasiirada Oo Dalbaday In Si Degdega Looga Soo Saaro Ciidamada La Geeyey Beledweyne

Muqdisho(Hayaannews): Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay inay isku raaceen in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii.

Ciidamadaas ayaa dhaliyey muran xooggan, ayada oo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ay sheegeen in halkaas loo geeyey arrimo siyaasadeed oo ay ka mid tahay doorashada Golaha Shacabka.

“Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul Wasaraaha Soomaaliya Golaha Wasiirada.

Go’aanka Golaha Wasiirada ayaa imanaya ayada oo taliyaha militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ciidamada la geeyey Beledweyne ay la dagaalami doonaan Al-Shabaab, oo aysan ku lug laheyn siyaasad.

Odawaa ayaa intaas ku daray in ciidamadaas ay la mid yihiin ciidamada kale ee la geeyey magaalooyinka iyo gobollada kale ee dalka sida Dhuusomareeb iyo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Jeneraal Odawaa waxa uu qiray in xukuumadda aysan ka war hayn ciidanka la geeyey Beledweyne, balse waxa uu sheegay inay gudanayaan waajibaadkooda la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana aysan tallaabo kasta oo ay qaadayaan ku wargelin xukuumadda.