SOOMAALIYA: Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi Oo Soo Saaray Jadwalka doorashada Sagaal kursi Oo Ka Mid Golaha Shacabka

Muqdisho(Hayaannews): Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa goordhaw shaaciyay jadwalka doorashada sagaal kursi oo ka mid  doorashada kuraasta Golaha Shacabka xubnaha uga mid noqoya gobolada Waqooyi.

War qoraal oo kasoo baxay guddiga doorashada Somaliland ayaa lagu sheegay in isbuucaan la qaban doono doorashada sagaalka kursi ee maanta la shaaciyay.

Jadwalka maanta la shaaciyay ayaa imaanaya xili guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Somaliland horay u qabteen doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Guddiga Doorashada ayaa sidoo kale faray oday dhaqameedyada kuraasta la shaaciyay in 15- bishaan Novembar oo ku beegan maalinta berito ah iney yimaadaan xaruunta guddiga si loo siiyo tababar ku saabsan hanaanka xulista ergooyinka wax dooranaya.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO JADWALKA:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com