SOOMAALIYA: Mahdi Guuleed iyo Miisaanka Siyaasiyiinta Somaliland Oo Xaal Ka Bixiyey Hadalkii Buurmadow Iyo Xaashi

Muqdisho (Hayaannews ):- Raysal-wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda xilgaadhsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda gobollada Somaliland ee ku sugan Muqdisho, ayaa raalligelin iyo xaal ka bixiyay eedeeyntii ay Raysal-wasaare Rooble u jeediyeen Cabdi Xaashi iyo Boqor Buurmadoow iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda gobollada Waqooyi.

Mahad Guuleed, ayaa ugu horeyn sheegay inuu ka raali galinaayo raysal wasaare Rooble iyo beeshiisa Habargidir hadaladii gefka ahaa ee eedeynta kululeed loogu jeediyay, isagoona tilmaamay in Xafiiska raysal wasaaraha uu yahay muraayadii qaranka oo uusan aheyn goob foojari iyo meel Cabdalle Shideeye, islamarkaana uu raysal wasaaraha yahay hagaha iyo fududeynta howlaha doorashooyinka dalka.

“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan ogaadeen iyo dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo difaacay Rooble.

Waxuu intaasi ku daray raysal wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda inaan marnaba la aqbali doonin dib u dhac ku yimaada heshiiskii laga gaaray howlaha doorashada oo cidii ka hor imaato loo aqoonsan doono qas wadayaal, waxaana hadalkaan raali galeynta ah uu ka sheegay raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed kulan ay isugu yimaadeen garabka uu hoggaamiyo oo ay ku mideysan yihiin xubno siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda gobolada Waqooyi