Soomaaliya Oo Diiday In Mar Kale Dib Loogu Dhigo Dacwadda Badda

Dowladda Soomaaliya Oo Kenya ku Eedeysay in ay Markale Doonaysa In dib loo dhigto Dacwada Badda.

Muqdisho(Hayaannews): Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo dalab ay sheegtay in dowladda Kenya ay u gudbisay Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ), si dib loogu dhigo dhegaysiga dacwada dhinaca badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa.

Kiiskan ayaa hore dib loogu dhigay saddex goor, waxaana haddii mar kale la aqbalo codsiga Kenya ay noqoneysaa markii afaraad.

Hase yeeshee wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe oo magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya oo tallaabada Kenya ka jawaabeysa ay qoraal u gudbisay Maxkamadda, ayna ku caddaysay in ay diyaar u tahay in ay ka qeyb gasho dacwadda bilaabanaysa bisha March, oo aysan dooneyn dib u dhigis kale.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

#Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

Email: Hayaannewssoma@gmail.com