Soomaaliya Oo Ka Hadashay Duqeymo Lagu Garaacay Saldhigyo Al-shabaab Ku Lahayd  Aagga Qeycad

Muqdisho(Hayaannews): Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisay inay weerar cirka ah la beegsatay Al-Shabab meel u dhow magaalada Wasil ee gobolka Mudug.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ay maanta oo Axada ah ay soo saartay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya,

Waxaanu u dhignaa Warsaxafadeedkaasi sidan “Tani waa dharbaaxo kale oo weyn oo soo food saartay Al-Shabaab. Duqeynta ayaa burburisay goob weyn oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada Danab iyo kuwa XDS ku soo dhowaadeen. Hawlgalladan ayaa xaddidaya awoodda Al-Shabaab ee ah inay dilaan oo ay argagaxiyaan dadka Soomaaliyeed.”

Dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom) ayaa si joogto ah u fuliya duqeymaha cirka si ay u taageeraan howlgallada ciidamada dowladda ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Waa markii 3aad oo diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo ka geystaan gobolka Mudug 15 maalmood gudahood.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in ay iska caabisay weerarka lagusoo qaaday, waxayna xaqiijisay in lasoo beegsaday saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanka Qeycad oo ku dhow degmada Wisil.