Muqdisho (Hayaannews)-
Soomaaliya ayaa markii ugu horeesay muddo 30 sano ah dhaqaale ka heshay
shidaalka iyo kheyraadka kale ee ku jira dalka.
Dowladda federaalka ee Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd
sidii looga faa’ideysan lahaa kheyraadka dalkeeda oo dhawaan la filayo in la
soo bandhigo xajmiga uu la egyahay qeybihii sahanka lagu sameeyay.
“Kadib dadaalo badan oo ay maxdaxda wasaaradda batroolka iyo
macdanta ee dowladda federaalka ee Soomaaliya ka samayeen dib u soo celinta
xidhiidhka shirkadaha ku leh xidhmooyin shidaal iyo kuwo kale oo maal gashi
cusub ka samaysta Soomaaliya ayaa waxaa lagu guulaystay in lagu qanciyo
shirkadahaas lagu leeyahay ijaarka xidhmooyinka ay haystaan”, sidaas waxaa
sheegay wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka iyo macdanta ee dowladda
federaalka ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.
Waxaa uu inta raaciyay in heshiis ku saabsanaa bixinta ijaarka
xidhmooyin Shidaal oo ay galeen wasaaradda batroolka iyo macdanta iyo
Shirkadaha Shell/Exxon Mobil bishii Juun ee Sanad kan, shirkadahaas na ay
dowladda federaalka u shubeen lacag dhan 1.7 milyan oo doolar.
Waxaa kale oo uu wasiir ku xigeenka sheegay in lacagtaas ay tahay
qeybtii u horeeysay ee ah ijaarka shirkadahaas lagu lahaa soddonkii sano ee la
soo dhaafay.
Wasiir ku xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka lacagahaas ay
u qeybsan doonaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, maadaama ay hore
ugu heshiiyeen qeybsiga kheyraadka Soomaaliya ee heshiiskii Baydhabo.
“Maamulka Lacagtan ayaa ku salaysnaan doona heshiiskii kheyraad
wadaaaga ee ay kala saxeexdeen Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada”
ayuu shaaciyay wasiir Ku xigeenka batroolka iyo macdanta ee Dowladda
Federaalka, Maxamud Cabdiqaadir Hilaal.
Bil kahor ayay ahayd markii shir lagu lafa gurayay sida looga
faa’ideysanayo kheyraadka shidaalka uu leeyahay dalka Soomaaliya oo ay soo
abaabushay wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowladda federaalka Soomaaliya
lagu qabtay magaalada Addis Ababa.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan maamul-goboleedyada iyo
khuburo dhanka shidaalka ah oo ka socda dalka Norway, waxaana diiradda lagu
saarayay diyaar garoowga soo saarista kheyraadka Soomaaliya gaar ahaana
shidaalka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo batroolka Soomaaliya
Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa xiligaasi sheegay in shirka uu ahaa mid wax ku
ool ah ayna muhiimadiisu ahayd in aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba la fahmo loona
diyaar garoobo qaabka loo soo saarayo iyo nooca uu yahay shidaalka.
Maxamuud Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in laga gaashaamanayo
in marka shidaalka la soo saaro aanu khatar ugu noqon dadka iyo bayaduba.
Bishii February ayaa magaalada London waxaa lagu qabtay shir looga
hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya kaas oo uu ka qeyb galay wasiirka
macdanta iyo betroolka ee Soomaaliya.
Balse Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa waxay
shirkaasi London ku tilmaameen mid lagu”xaraashayay” kheyraadka Soomaaliya.
Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warkaas waxa ayna
sheegtay in shirkii London uu ahaa mid lagu soo bandhigayay macluumaadka sahmin
shidaal oo Soomaaliya laga sameeyay.
Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaadhay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin