Muqdisho(Hayaannews): Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay in golaha wadatashiga qaran ay heshiis ku gaadheen hannaanka doorashada iyo dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.
UNSOM ayaa qoraal ku sheegtay muhiimaddu in ay tahay in la dhaqan geliyo go’aamadan si loo gaaro natiijo lagu kalsoonaan karo oo si weyn loo wada aqbalay ugu dambayn 25 February.
Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku boorisay madaxda Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kaste oo abuuri kara xiisado cusub ama khilaaf cusub ka dib go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa in la caddeeyo hannaanka Doorashada.
Golaha wadatashiga ayaa shalay Muqdisho ku gaaray heshiis ku saabsan dhameystirka doorashada aqalka hoose oo hakad uu ku yimid kadib markii uu khilaaf siyaasadeed hareeyeeyay doorashada.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kala qeybsanaan guddiyada doorashada ayaa weli saamayn ku yeelan karta dhamaystirka doorasho hufan