SOOMAALIYA: Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Kulamo La Yeeshay Dublamaasiyiin Ku Sugan Muqdisho
September 28, 2020 - Written by admin
#Muqdisho-(Hayaannews)-Ra’iisal
Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble,
ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye u jooga
Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee
Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed
(Eng. Khadar) oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye
u jooga Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale, 28 September 2020. Image Villa
Somalia.
Qoraalka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qorsnaa sidan:-
“Ra’iisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa
maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u
fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga
Afrika.
Alt Araweelo News Network
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee
Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed
(Eng. Khadar) oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye
u jooga Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale, 28 September 2020. Image Villa
Somalia.
Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda
waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow,
isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu
gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisal Wasaare
ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha
dibedda M. Axmed Ciise Cawad.
Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisal Wasaaraha
cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla
Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisal Wasaaraha
Rooble ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda