SOOMAALIYA: Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare oo isku khilaafay guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi


Muqdisho(Hayaannews): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa soo magacaabay guddiga doorashada xildhibaannada Gobollada Waqooyi, kadib markii meel leyska dhiggay xubnihii uu soo gudbiyay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Guddigan oo ka kooban guud ahaan 11 xubnood ayaa intooda badan la sheegay in ay ka tirsan yihiin xafiisyada Wasaarraddaha kala duwan ee dowladda.

Guddigan ayaa waxaa ku jiray 5 dumar ah oo noqonaya tiradii ugu badneyd ee lagu soo darro Guddiyada Doorashada maamul Gobolleedyada.

Magacabista 11-ka xubnood ee Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya

Laakiin magacaabistan waxaa si weyn uga soo horjeestay Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Rooble in uu dhinac iska dhiggay Guddiggii uu u gudbiyay, isaga oo intaa ku darray in guddigan uu Ra’iisal Wasaaruhu magacaabay matali doonin (Gobollada Waqooyi)

Magacaabista ra’iisal Wasaaraha waxa taageeray xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baalamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobollada Waqooyi kuwaas oo ku eedeeyay Cabdi Xaashi  inuu waddo khalkhal-galin siyaasadeed

Hayaannews, Office

Muqdisho, Soomaaliya

Email: Hayaannewssoma@gmail.com