“Soomaaliya Waa Inay Si Deg Deg Ah U Qabataa Doorashooyinka…..” Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Blinken

 “Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, oo ay heshiiyaan….”

USA(Hayaannews): Xoghayahay arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanku ka walaacsanyahay jahawareerka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, taas oo khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Xoghaye Blinken

“Waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federalka iyo dowladaha xubnaha ka ah inay meel iska dhigaan u-jeedooyinka gaaban ee siyaasadeed, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho daah furan oo loo dhanyahay” ayaa lagu yidhi Blinken ku yiri war- saxaafadeedkii uu maanta soo saaray.

“Caqabadaha taagan waxay dib u dhigayaan horumarkii la sameeya, wadada hadallada deyn cafinta ee ay Somalia ku socoto iyo la dagaallanka Argagixisada” ayuu sii raaciyay.

Blinken wuxuu bayaankiisa ku sheegay in Mareykanku taageersanyahay xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay u mudaaharaadaan si nabad ah, oo ay si weyn uga soo horjeedaan koox kasta oo rabshado abuureysa.

“Waxaan ka codsaneynaa hoggaamiyaasha Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalkooda, ayna gaadhaan heshiis si deg deg ah loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayuu Blinken ku soo gaben-gabeeyay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland