#SOOMAALIYA: War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shir Muqdisho Uga Socday Golaha Wada-tashiga Qaranka Soomaaliya

Muqdisho (Hayaannews):- Golaha Wadatashiga Qaranka,  ayaa galabta si rasmi ah u soo gabagabeeyay shir uga socday magaalada Muqdisho lixdii maalmood ee lasoo dhaafay. Kaas oo laga soo saaray War-murtiyeed qoddobbo kala duwan ka kooban.

Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa shirkooda kasoo saaray War mrtiyeed ka kooban 18 qodob oo dhamaantood quseeya arrimaha doorashada dalka.

War murtiyeedka Golaha Wadatashiga qaran kasoo baxay waxaa ka mid ahaa qodobadiisa in la cadeeyay waqtiga doorashada Golaha Shacabka loogu talogalay in lagu soo gabagabeeyo oo ay ku sheegeen 15-ka bishaan Janaayo ilaa 25-ka bisha soo socota ee Febaraayo.

Sidoo kale, qodobbada laysla gartay waxa ka mid ah Amniga oo qodobka ugu adag ee shirka lagaga dooday ahaa, kaas oo la sheegay in Ciidammada AMISOM ay xoojinayaan ammaanka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Haddaba, Warmurtiyeedkan oo nuqulladiisa aftahannews helay, wuxuu u dhignaa sidatan ee halkan hoose kaga bogo