SOOMAALIYA: Xildhibaano Ka Mid Noqonaya Golaha Shacabka Oo Muqdisho Lagu Doortay

Muqdisho(Hayaannews): Doorashada xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka billaabatay magaalada Muqdisho, ayada oo la doortay laba kursi oo ka mid ah kuwa kasoo galaya gobollada waqooyi (Somaliland).

Kursiga koowaad ee doorashadii maanta la qabtay ayaa waxaa ku guuleystay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ka adkaaday Mushtaaq Ibraahim Yuusuf.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa helay n 97 cod, halka Mushtaaq ay ka heshay saddex cod kaliya. Waxaa hallaabay hal cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo horay ugu fadhiyey kursigan isaga oo ka guuleystay Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.
Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu ka helay sagaal cod. Waxaa hallaabay hal cod.

Doorashada oo ka dhacday dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Kaahiye ee Muqdisho ayaa waxaa codeeyey 101 ergo kursigiiba

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uul ka ah arrimaha doorashada dalka ayaa bogaadiyey doorashadii maanta, wuxuuna ugu baaqay maamul goboleedyada dalka inay billaabaan doorashada golaha shacabka.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan ku faraxsanahay in doorashada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com