Dawlada Soomaaliya Oo Shaacisay In Laga Cafiyey Deymihii Sanduuqa Qaramada Midoobay Ee Horumarinta Beeraha

Rome(Hayaannews):Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii sanduuqa Qaramada Midoobey ee horumarinta beeraha (IFAD).

Hadalkan ayaa waxaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 46-aad ee Golaha Sanduuqa Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta Beeraha IFAD, isaga oo uga uga mahadceliyey cafinta daymihii ay ku lahaayeen Soomaaliya oo dhan 30 milyan oo dollar.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dalalka Sweden, Belgium, Talyaaniga iyo Jarmalka doorka ay ka qaateen cafinta dayntan, iyadoo madasha maanta lagu gorfeeyay dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhammeystirka hannaanka dayn cafinta.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay fursadaha Soomaaliya ee horumarinta beeraha iyo caqabadaha ku xeeran.

Waxa uu nasiib darro tahay in Soomaaliya oo dal hodan ah ay dadkeedu ay u baahdaan sannad kasta gurmad iyo quudin degdeg ah, waxa uuna sheegay in caqabadaha dib u dhigay wax-soosaarka beeraha dalka ay ugu horreeyeen argagixisada Alshabaab oo haysatay dhul baaxad leh oo ku habboonaa tabcashada.

Xassan Sheekh Maxamuud -Hayaannews

“Shacabka Soomaaliyeed waxay ka jawaabeen baaqa dowladda ee ku saabsanaa in aan u istaagno dabar-goynta argagixsada , iyadoo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo garab ka helaya dadka deegaannada ay ku guuleysteen xoreynta deegaanno badan. Dhulka la xoreeyay waxaa ka mid ah dhul-beereed badan oo ku habboon maalgashiga iyo beerashada, waxaanna ku rajo weynahay inay taasi dhici karto,” ayuu yiri madaxweynaha.