#SOOMAALIYA:Dhaawaca Afhayeenka Xukuumadda Oo Loo Qaaday Dalka Turkiga

Muqdisho(Hayaannews): Afhayeenka Xukuumadda Md. Maxamed Ibraahim Maca-limuu ayaa maanta dhaawaciisa loo qaaday dalka Turkiga, kadib markii uu shalay lagu dhaawacay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maxamed Ibraahim Maca-limuu ayaa waxa lagu sii sagootiyay Garoonka Aaden Cadde xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Mas’uuliyiinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan-qaaday in xukuumaddu ay dadaal ku bixin doonto baxnaaninta dhaawaca Afhayeenka oo shalay qof naftii hallige ah la beegsaday Qarax.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Md. Liibaan Cabdi Cali oo ka warbixiyey dhaawaca Afhayeenka ayaa sheegay in xaaladdiisu ay soo hagaagayso, haatana loo qaadayo dalka Turkiga si halkaas loogu sameeyo daaweyn dheeraad ah.