SOOMAALIYA:Wasiirka Amniga Oo NISA Ku Amray In Amniga Garoonka Diyaaradaha Ay Ku Wereejiso Ciidanka Booliska

Mudisho(Hayaannews):Wasiirka Amiga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa amray in guud ahaan ciidanka hay’adda Sirodoonka iyo Nabaddsuggidda ee NISA laga saaro garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde, isla markaana si buuxda loogu wareejiyo amniga garoonka ciidanka Booliska,

Sida  waxa uu Wasiirku ku sheegay Warsaxafadeed u uku saxeexan-yahay oo uu maanta soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews

“Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan amniga garoonka uu la wareego ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaabtamayaa saldhigga garoonka ee ciidmada Booliska Soomaaliyeed oo kaliya masuuliyadda amni ee garoonka wixii ka dambeeya 2-da Janaayo 2022” ayuu Wasiirku ku yiri bayaankiisa, isaga oo intaas sii raaciyay;

“Waxaa la faraya ku simaha hay’adda NISA inuu ku wareejiyo dhammaan masuuliyadda amni ee ay hore gacanta ugu hayeen ciidamada NISA si buuxda ciidanka Booliska, dibna ula soo laabto dhammaan taliska iyo ciidanka ka howlgala gudaha garoonka, mana jiro wax ciidan NISA ah oo ka howlgalaya ama hub la gali kara gudaha garoonka marka laga reebo ciidamada ku sugan xarunta rasmiga ah ee ay ku leeyihiin ciidanka Waran iyo Gaashaan ee gudaha Garoonka”

Wasiirka amniga ayaa sheegay in cabashooyin badan ay NISA ka soo gudbiyeen hay’adaha kale ee dowladda ee ka howlgala garoonka diyaaraha, isla markaana ay kula kaceen “handadaad iyo gacan qaad joogta ah”, kuwaas oo uu ku sheegay inay u hayaan caddeymo.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com