Sucuudiga Oo Ku Soo Biiray Dalalka Danaynaya Dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya

Riyaad(Hayaannews) Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku soo biirtay dalalka Geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka ee tar-tanka ugu jira dhex-dhaxaadinta Somaliland iyo Soomaaliya, gaar ahaana martigelinta wada hadaladii ugu horeeyey ee dhex-mari lahaa Xukuumadda Farmaajo Iyo Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi.

Tobaadkii hore ayey ahayd markii uu safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat uu booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasi oo kulamo la yeeshay Madaxweyne Muus Biixi iyo Xukuumaddiisa

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo 2-dii bishan May Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Sucuudiga u fadhiya dalka Soomaaliya, Dr Mohammed Abdi-kani Khayat oo booqasho ku yimid Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay Maadaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kullanka dhex-maray denjiraha Sucuudida u fadhiya Somaliya iyo Madaxweyna Somaliland ku sheegtay mid la isku afgradtay qodobo ay ka mid ahayeen siciid Sucuudigu gacan uga siin lahaa Xukuumadda dadka Abaaruhu Sameeyeen iyo sidii xayiraada xoolaha saaran laga qaadi lahaa, shuruudaha dawladda sucuudigu qabtana looga jawaabi lahaa.

Dhanka kalene waxa xusid mudan in kulan-kaa uu Madaxweyne Biixi qasrigiisa Madaxtooyadda kula yeeshay danjire Dr Mohammed Abdi-kani Khayat aan lagu sheegin in ay ka wada hadleen  in Dowlada sucuudigu ay danaynayso sidii wadda haddalada Somaliland iyo Somaaliya loo soo celin lahaa, isla markaana ay iyadu doonayso inay ku dhexdhaxaadiso.

Geesta Kalene Dowlada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay Dowlada Sucuudigu kusoo biirtay dalalka doonaya inay dhex-dhexaadiyaan Somaliland iyo Soomaaliya ee rabba inay martigeliyaan wada hadaladii u dhaxeeyey Hargeysa iyo Muqdhisho, sidaana waxa sheegay Raysal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed “Horta runtii waddamada rabba inay Somaliland iyo Soomaaliya dhax-dhaxaadiyaan maanta wey badan yihiin Turkiga, Sucuudi Arabiya,Itoobiya Ereteriya  iyo waddamo kale oo badan .”

Xigasho Waaberi