Suhuur Xasan Abiib Oo Ka Tacsiyadeysay Golaha Guurtida Iyo Guud Shacabka Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle Ha U Naxariiste Xildhibaan #Axmed_Xaashi_Cabdi Oo Geeriyooday.!!

Hargeysa(#Hayaannews): Ganacsato #Suhuur_Xasan_Abiib ayaa waxay tacsi u direysaa Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ee ka baxay Alle ha u naxariistee  Xildhibaan #Axmed_Xaashi_Cabdi oo xalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Alle ha u naxariiste Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxa uu u geeriyooday xanuunka saf-marka ah ee COVID 19 xalay oo ay taariikhdu ahayd 19.3.2021, isaga oo ku sugan dalka Turkiga

Marxuumku waxa uu ahaa qof wanaagsan  af gaaban oo dadka jeccel oo dhismaha qaranimada Somaliland kaali weyn ka soo qaatay isla markaana dawladihii kala danbeeyey ee Somaliland waxa uu ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala duwan,Waxa

Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Qarankii iyo guud ahaan Qowmiyada uu ka baxay Allah naxariistii Janno ha ugu deeqee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo xalay oo taariikhdu ahayd 19.3.2021 ku geeriyooday dalka Turkiga.

Waxaan Allahay uga baryayaa inuu  Axmed Xaashi Cabdi u naxariistiisa Janno ugu deeqo, dhammaanteena uu Samir Iyo Iimaan ka siiyo.

Waxaan si gaar ah u Tacsiyadaynayaa Caa’ilada reer Xildhibaan #Axmed_Xaashi iyo Golaha Guurtida Somaliland reer Somaliland ee uu ka tirsanaa.

Isha Ku Hay Shabakadda Wararka Ee www.Hayaannews.net  Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland