Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland #Suldaan_Maxamed  Oo Geeriyooday Iyo Bahda #Hayaannews Oo Tacsiyadeysay.

“Si Weyn Ayaa loo dareemay Geerida Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Somaliland”

Hargeysa(Hayaannews): Tifaftraha Shabakada Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (#Mustafe_Janaale) iyo dhammaan hawlwadeenada ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo guud ahaan bahda dhaqanka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo galabta Geeriyooday.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo xilka saldanadda la wareegay sannadkii 1975-kii, isaga oo ku xigay Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye ayaa waxa uu kaalin weyn ka soo qaatay halgankii dib u xoreeeynta dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena nabadayntii dalka iyo yagleelidii dawladdnimada Somaliland ayuu kaalin ka soo qaatay.

Waxa uu Suldaanku si weyn uga shaqayn jiray xasiloonidda dalka Somaliland iyo horumarintiisa oo uu door weyn kaga jiray muddadii uu xilka Suldaannimo hayey.

Waxaan Tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Qarankii iyo guud ahaan Qowmiyada uu ka baxay Allah naxariistii Janno ha ugu deeqee Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqaadir Suldaan Cabdillaahi oo galabta oo ay taariikhdu ahayd 12.2.2021 ku geeriyooday Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaan Allahay uga baryayaa inuu Suldaanka naxariistiisa Janno ugu deeqo, dhammaanteena uu Samir Iyo Iimaan ka siiyo.

Waxaan si gaar ah u Tacsiyadaynayaa Caa’ilada reer Suldaan iyo Madax  dhaqameedka reer Somaliland iyo guud ahaan Qawmiyadii uu Suldaanka u ahaa ee ku fidsan Waddamada Geeska Afrika iyo Caalamkaba.

#Hayaannews, Office

Hageysa, Somaliland