Suxufiga Ruug-cadaaga Ee Xasan Maxamed Yuusuf Oo Markii Ugu Horeysay Soo Saarey Maanso la yidhaahdo ‘Jawaabtii Samiira’

Hargeisa(Hayaannews)- Suxufi ruug cadaaga Xasan Maxamed Yuusuf Cabdi, ayaa markii ugu horeysay soo saarey Maanso cusub oo la yidhaahdo “Jawaabtii Samiira”.taas oo uu kaga jawaabayey Maansadii uu hore u tiriyey Axmed Cusmaan Batuun oo uu ugu magac-daray ‘Laptop’

Maansadii oo dhameystiran ayaa shabakada Wararka ee Hayaannews u soo gudbinaysaa macamiisheeda:


Jawaabtii Samiira
Niyaddiyo Quluubtaba
Hardwere-ki wadilaa
Adigaa khalkhaliyoo,
C-da iyo D-dii
Aan kugu xafidilaa
Bluetooth-yadaadaa
Belo soo walwaaloo
Trojan-ka Daran iyo
Virus miidhan geliyoo,
Faylashii Kalgacalkaba
Adaa Tuuree ma ogtahay .

Jacaylkaagi inanyow
Waxa diiddey laabtoo
Kolkaan Save idhaahdaba
No-bay I lleeyahay.

Tan Recycle binkuna
Very ease weeyoo
Haddii aad ku jirilayd
Restore baa ku filanoo
Halkaagii ku dhigilayd.

Dibindaabyadaadaa
Iskiriinki demisoo
Maankaygu Wiilyohow
Wax Repair gareeyiyo
Anti virus Xaadhiyo
Wax Scan Yidhaahdaba
Markii aan ka Quustuu
Formaat garooboo
Sababtana adaaloo
Computerkaygaas
Ugu wacan Crash-kee
Bal Yaad eersanaysaa

Maskaxdaydii anigana
Restart aan idhaahdiyo
Guux hay dambeeyee
Meel geriirta malahoo
Rag Aaytii yaqaanoo
Fix all yidhaahdiyo
Injineer sameeyiyo
Expert-ki joogaan
Bal inay daweeyaan
Ayaan hore u geeyoo
Kolki lagu wareeree
Loo maaro waayaa
Imaaraadka loo diray

Dhawaan inuu hagaagoon
Internetki galo oon
Emailladaydiyo
Facekii ku laabtana
Waan rajeynayaayoo
Alle waxaan ka tuugaa
Inuu ii shaqeeyaa.

Error kaad I gelisaan
Xal u daydayaayoo
Marka aan Xasuustaba
Dhanjaf baygu kaca oo
Dhakadaa I faartoo
Dhaayahaan wax Arag oo
Dhegahaa I awdmoo
Lugahaan Dhaqaaqine
Fadlan waxaan ku leeyahay
Flash-kaloo aad leedoo
Softwere Caashaq lagu sido
Inistooling-maayee
Ha ii keenin Axmedoow

Asxaabtaada Face-kana
Aksebt ku odhan maayee
Iska kay illow oo
Kola haygu soo darin
–Dhamaad—
#Mustafe-Jannaale(#MJ)

Hayaannews, Office
Hargeysa/Somaliland

Email: mustafejanaale1@gmail.com