Taiwan Oo ka Hadashay Doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland Iyo Gacantii Ay ka Geysatay Doorashadii Isku Sidkanayd

Hargeysa (Hayaannews) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geystay kharashaadkii ku baxay doorashadii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee 31 May 2021 ka qabsoontay. Waxa aanu Somaliland ku hambalyeeyey in ay qabatay doorashoxor iyo xalaal ah.

Wasiir Joseph Wu ayaa sidan ku yidhi hadal hore loo sii duubay oo uu kaga qayb-galay munaasabad Hargeysa loogu qabtay xuska sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegay furitaankii Xafiiska Tawian ee Somaliland iyo 20 arday oo deeq waxbarasho ay Taiwan siisay oo la guddoonsiinayeyaqbalaaddii jaamacadaha.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu soo qaaday doorashadii shirguddoonka Golaha wakiillada oo uu sheegay in uu si aad ah Somaliland ugu hambalyeynayo. “Doorashada hoggaanka cusub ee aqalka wakiillada, ayaa iyaduna sida oo kale caddaysay qaangaadhnimada ku dhaqanka dimuqraadiyadda ee Somaliland” ayaa uu yidhi wasiir Jo Wu oo intaas ku sii daray, in tallaabooyinkaasi ay Somaliland ka dhigayaan xiddig ay tahay in ay ku daydaan dalal badan oo Afrika ahi.

Jo Wu waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu sii xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambaysa, tan iyo markii uu dalkiisu Xafiiska diblumaasiyadeed ka furtay Somaliland bishii Augsust 2020 kii. Isaga oo intaas ku daray in labada dal ay wadaagaan qiyamka; xoriyadda, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo sarraynta sharciga.

Waxa uu ku dheeraday xidhiidhka labada dal ee isku duruufta ah marka laga eego dhinaca aqoonsiga diblumaasiyadda, isaga oo ku faanay in baaxadda dhulka uu dal ku fadhiyaa aanay marag u ahayn weniyada ummadeed, balse waxa taas muujiyaa uu yahay sharafta umaddu leedahay, iyo siyaasad-wanaag. Waxa uu sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay yihiin qaramo hal-adayg leh, isla-markaana uu aaminsan yahay in ay noqdeen cimlaaq.

Mudane Jo Wu waxa uu sheegay in muddadaas sannadka ah ay dawladdiisu Somaliland ka fulisay Mashaariic aasaasiya oo dhinaca Horumarinta; sida beeraha, daryeelka caafimaadka, iyo habka teknoolajiyada loogafaa’iidaysto adeegga maamul ee dawladda (E-Government). “Tusaaleahaanwaxaa ka mid ah in aanu abuurnay nidaamka ilaalinta iyo kor u qaadista tayada cuntada, waxa aanu abuurnay xarun Teknoolajiyadda ah oo kor loogu qaado aqoonta teknoolajiyadda, waxaa intaas dheer in annaga oo fulinayna heshiiskii iskaashiga dhinaca caafimaadka ee labadeenna dal, in aanu qalab iyo koorsooyin caafimaad aanu gaadhsiinnay Somaliland si kor loogu qaado heerka adeegga caafimaadka” ayaa uu yidhi wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Taiwan oo faahfaahinayey Caawimada uu dalkiisu soo gaadhsiiyey Somaliland. Waxa aanu intaas ku daray in meelaha kale ee ay Somaliland iyo Taiwan iska kaashadeen ay tahay waxbarashada, isaga oo sheegay in munaasabadda xuska sannad-guurada koowaad uu Xafiiska Taiwan ee Somaliland ugafaa’idaysanayo in uu ardayda deeqda waxbarashada heshay guddoonsiiyo waraaqaha aqbalaadda. Waxa aanu dhalinyaradaas ku boorriyey in ay fursaddan ka faa’idaystaan, wixii ay soo bartaanna dalkooda ku soo celiyaan. “Somaliland weligeedba saaxiib bay la ahaan doontaa Taiwan, Somaliland weligeedba qalbigayga ayaa ay ku jiri doontaa” ayaa uu hadalkiisa ku soo gabgabeeyey wasiirka Arrimaha dibadda Taiwan.

Dhinaca kalena, waxaa munaasabaddan hadal ka jeediyey wakiilka Taiwan u fadhiya Somaliland mudane Allen C. Lou, oo sheegay in dalkiisu uu Somaliland ka caawinayo  xoojinta iyo Horumarinta dadka. Waxa uu sheegay markii uu dalkoodu dhismayey tobannaan sano ka hor in Maraykanku uu ka caawiyey waxbarashada, sidaas si la mid ahna ay Taiwan doonayso in ay Somaliland ka caawiso xoojinta waxbarashada dhalinyarada, si ay riyooyinkooda uga midho dhaliyaan

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com