Taliyaha ku-meel gaadhka Ah Ee NISA Oo Xildhibaan Loo Doortay

Dhuusamareeb(Hayaannews): Soomaaliya waxaa weli ka socda doorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka, gaar ahaan maamulka Galmudug. Waxaa maanta la doortay Yaasin Cabdullaahi Farey oo hadda ah ku-simaha Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA

Yaasiin Farey ayaa helay 68 cod, halka ninka la tartamayay Maxaamuud Cali Culusoow uu isna helay 20 cod, halka 3 cod ay halaabeen.

Yaasiin Fareey ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horreeyay ee ciidanka dowladda ka tirsan oo jago sare haya oo loo soo doorto Xildhibaan.

Dhinaca kale, hey’adda heritage ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa warbixin ay soo saartay oo ku saabsan dhinaca doorashooyinka ku sheegtay in sida wax u socdaan ay cadaaladda ka fogtahay.

“Sannadkan, dibudhaca xeeladaysan ee ay ku kaceen kuwa hoggaaminaya geeddi-socodka doorashooyinka, xildhibaannada aqalka sare ee madax ka taabashada lagu soo xushay, iyo heshiisyada iyaga uun u danaynaya ee ay gaareen ayaa keenay natiijooyinka lagu muransan yahay iyo xasilooni darrada siyaasadeed ee dalka ka jirta,” ayaa lagu yiri warbixi