Taliye Ku Xigeenka Booliska Oo La Kulmay Safiirka Ingiriiska Ee Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdi Xasan Mire, ayaa kulan la qaatay Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Sarreeyo Guuto Cabdi Xasan Mire iyo Safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown ayaa waxa ay ka wadahadleen Tababarada Dawlada Ingiriisku siiso Ciidamada Booliska Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa Iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Sidoo kale Safiirka dalka Ingiriiska ee Somaliland, Amb. Ben Fender oo uu wehelinaayey Mr Stuart Brown oo ah madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa booqasho ku tagay Kuliyada Saraakiisha Ciidamada Booliska Somaliland ee Cabdillaahi Askar.

Dhinaca Safiirku waxa uu kulan la qaatay Madaxda Sare ee Kuliyada oo uu ka waraystay Xaalada guud ee Kuliyada, waxayna uga warbixiyeen Kuliyada iyo sida ay u shaqayso, Isaga oo soo indho indheeyay Qaybaha Kala Duwan ee Kuliyada ka kooban tahay.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com