Taliye Nuux Oo Bogaadiyay Xusnka Sanad-Guurada 27aad Ee Ka Soo Wareegtay Aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland.

Hargeysa (Hayaannews)-Taliyaha Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa bogaadiyay guud ahaan ciidamada qaranka Somaliland, munaasibada sannad guuradii 27-aad ee aasaaska ciidankaas oo maalinta beri oo Salaasa ku beegan awgeed.

War ka soo baxay xafiiska taliyaha ciidanka qaranka Somaliland sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, soona gaadhay Shabakada Hayaannews ayaa lagu sheegay in taliyuhu hambalyo iyo bogaadin u diraayo dhammaan ciidanka qaranka iyo qoysaskoodaba, iyadoo ay ku beegan tahay maalintii beri ah aasaaska ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu dhammaan ciidanka qaranka u rajeeyay in sannadkan, sannadkiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar.