Taliyihii Nabadsugida Dhuusamareeb iyo 11 Askari Oo Qarax Lagu Dilay

Dhuusamareeb(Hayaannews): Wararka ka imanaya badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax culus lala beegsaday baabuur ay la socdeen ciidamada amniga ee maamulka Galmudug.

Ilo dhinaca amniga ah oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah amar uma haystaan ayaa u sheegay idaacadda VOA in qaraxa lala beegsaday baabuur uu la socday taliyaha nabadsugidda degmada Dhuusamareeb Gaashaanle Cabdirashiid Cabdinuur Qooje iyo askar la socotay.

Gaariga ay la socdeen ciidanka ayaa qaraxu uu ku haleelay duleedka Dhuusamareeb xilli ay ku jireen hawlgallo lagu xaqiiinayey amniga inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud.

Ilahaas amniga ayaa u sheegay VOA Somali in taliyaha nabadsugidda Dhuusamareeb iyo 11 askari oo la socotay ay ku dhinteen qaraxaas.

Mas’uuliyiinta Galmudug oo VOA Somali ay la xidhiidhay kama aysan jawaabin wicitaanka balse ciidamo gurmad ah ayaa gaaray halkii uu qaraxu kadhacay



Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida ay tebiyaan warbaahinta taageerta maleeshiyadaas.

VOA