“Tallaalka (COVID 19) Aniga Ayaa Ugu Hor Qaadanaya” Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi cabdi ayaa sheegay in xanuunka Covid-19 uu si xawli ah ugu fidaayo dalka, isla markaana loo baahan yahay in bulshadu qaadato fariimaha caafimaad ee wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xanuunka ay u dhinteen shan iyo siddeetan qof. Sidoo kalena laga helay laba kun iyo siddeed iyo toban qof, iyada oo dadkii laga helay xanuunkaasi faafaya ee Coronavirus ay ilaa iyo hadda ka bogsadeen tirada guud ee laga helay boqolkiiba siddeetan iyo lix.

Mudane Muuse Biixi Cabdi oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xanuunka waxa laga helay laba kun iyo siddeed iyo toban qof, waxaana ka bogsaday dadka laga helay boqolkiiba siddeetan iyo lix qof , shan iyo sideetan qof ayaa u dhintay”.

Madaxwynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in aan qof lagu qasbayn in uu tallaalka qaato balse ay muhiim tahay in la qaato tallaalkaasi oo ah mid ka hortag u ah xanuunkaasi halista badan, islamarkaana uu noqonaayo qofka ugu horeeya ee tallaalka qaata maalinta Sabtida ee todobaadkan bilaabmaaya.

“Tallaalku waa mid caalamka oo dhan yimid, qofna la odhan maayo qasab isku tallaal, laakin waxa la ogyahay in loo baahan yahay, haddii alle yidhaahdo Sabtida waa la bilaabayaa, waxana ka noqonayaa kow oo aniga ayaa bilaabaya sababta oo ah kama maarmayno”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xanuunka Covid19 uu si xawli ah u kordhay saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay, sidaa darteedna loo baahan yahay feejignaan iyo dedaal dheeraad ah, waxaanu yidhi “Xanuunka Covid19 saddexdii todobaad ee ugu dambeeyay si xawli ah ayuu u kordhay, bishii March ee kal hore ilaa iyo maanta dadkii la baadhay markaad eegto, dadka ka kacay waa kun iyo siddeed boqol iyo dheeraad, waxaana ku dhintay shan iyo siddeetan qof. Markaa waxaad arkaysaa dhimashada xanuunka in Illaahay inoo sahlay hadaynu nahay Afrikaanka iyo dadka itaalka daran ama dalkeena ba, oo dadka laga helayo markaad eegto ay yartahay dadka u dhimanaya.”

Madaxweyne Musue waxa kale oo uu ka hadlay saamaynta xanuunka Covid19, waxaanu tilmaamay in fayriska keena xanuunkani u uyahay mid saamayn badan oo hali badan ku keeni kara aadamaha, maadaama oo uu yahay mid hadba is dhalan-roga waxaanu yidhi “Arrintaa macnaheedu maaha la is ilaalin maayo, sababta oo ah xanuunkii wuu is dhalan rogayaa, kii uu ku bilaabmay maaha ee marba nooc cusub oo si gaar ah u saamaynaya aadamaha ayaa imanaya. Sidaa darteed ma odhanayno noloshii ayaanu xidhaynaa, sababta oo ah ma noolaan karno inagu. Laakiin waxa aynu ku dedaalaynaa waanooyinka ay soo bixinayaan culimada iyo dhakhaatiirta dalku oo ay ka mid tahay af-xidhashada, kala fogaanshaha iyo faraxalka, isla markaana laga maarno shirirka wixii aan muhiim ahayn oo la yareeyo is dhex-galku.”

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com