“Talo-xumo, Qorshe La’aan, Ficilitan, Dulqaad La’aan….. Ayaa Shan Sanno jaangoynayay Shaqada Xukuumadda Muuse Biixi.” Xoghaye Khadar Xuseen.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Muuse muddadii ay xilka haysay inay hadheeyeen talo-xumo, qorshe la’aan, ficiltan iyo dulqaad la’aan.

Sidaa waxa uu xoghaye Khadar Xuseen ku sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay oo maanta nuqul ka mida ay heshay Shabakada Wararaka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan:

“Talo xumo, Qorshe la’aan, Ficilitan, dulqaad la’aan iyo dhayalsiga arrimaha muhiimadda qaran leh, ayaa shan sanno jaangoynayay shaqada xukuumadda Muuse Biixi. Maantana waxa ay u qalabqaadatay burburinta biriishka keliya ee ka hadhay isku xidhka gobalka Sool iyo Somaliland inteeda kale.

Waa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif oo xitaa naftiisa khatar u galiyey jiritaanka Somaliland nabad ah, midaysan, waxna wada leh.

Xilli uu qaranka ugu maqanyahay gudashada wajibaad la wada lahaa oo uu ku keliyeystay, ayaa masuuliyiinta xukuumadda iyo dadka qallooca ku taageeraa, ay warbaahintii qaranku wada lahaa ka baahinayaan ceebaynta iyo dacaayadaynta guddoomiye Cabdirisaaq.

Cidda maanta sidaas u fikiraysaa ha liqdo hal xaqiiqa oo qadhaadh oo ah, in Somaliland oo deegaanka dhulbahante ka maqan yihiin aanay marnaba noqon karin dawlad dunida laga aqoonsanyahay.

Runtuna waa in Cabdirisaaq oo maanta la ixtiraami waayaa ay ka dhigantahay, in laga maarmay goballada uu ka soo jeedo.

Waayo, waa qofka ugu sarreeya Somaliland ee cod dimuqraaddiya oo dadweyne ku fadhiya kursiga, isla markaana muujiyey kalsoonida ay dadkii soo doortay ku qabaan.

Ruux nool lagama quusto ee waxaa mar kale talo iyo waano iga ah, in xukuumaddu ka xishooto dhaqannada ay caadaysatay, una tudho jiritaanka Somaliland oo hore u xagal daacisay….”

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com