Tartan istiraajiyadeed Siyaasadeed ‘Geopolitics’ Oo Dib Uga Curtey Qaarada Africa

Kamala Harris is vice president of the United States

Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Kamala Harris ayaa ku jirta booqasho dhawr lugood ah oo ay ku tagtayso dalal Afrika ah.

Ujeedada ayaa ah in laga hor-tago saamaynta dhaqan dhaqaale iyo galaangalka siyaasadeed ee danbe Shiinaha iyo Ruushka ku yeesheen qaaradda Afrika. Haweeneyda Kamala Harris waxa ay booqashadeeda xoogga ku saaraysaa maalgashiga, dimuquraadiyadda iyo arrimo kale.

Waxaa muuqata in uu dib u soo cusboonaaday tartanka Jiyo-siyaasadeed (geopolitics) ee Afrika. Tan waxa ay salka ku haysaa is-beddelada ka dhacaya adduunka iyo dagaalka Ukraine. Shiinuhu waa dhaqaalaha labaad ee adduunka, halka Ruushku yahay dhoofiyaha ugu weyn ee saliidda adduunka.

Bariga dhexe waa isagana ka socda is-beddelo wixii ka danbeeyey dagaalka Ukraine, xilligaas oo Maraykanku is ku hallaynayey dalalka Khaliijka ee tamarta qaniga ku ah. Booqashadii uu President Joe Biden ku tegay Sucudiga sannadkii hore waxa ay ku dhammaatay guul-darro, halka tii uu Xi Jinping ku tegay gobolkaasi ay lahayd muhiimad weyn, iyada oo anbaqaad u noqotay shuraako iyo wax-wada-qabsi istaraatiijiyadeed oo dhex mara Shiinaha iyo dalka Sucuudiga oo hormuud u ah dalalka Gacanka, inkastoo uu booqashadaas ka gaws adaygay Maxamed Ben Zayed-ka Imaaraadka.

Intaa waxaa dheer, Shiinuhu waxa uu ku guuleystay in uu heshiis dhex dhigo dalalka Sucuudiga iyo Iran oo si weyn u gu loolamayey awoodda dunida Islaamka iyo tan gobolka. Booqashadaasi, la ma aanay dhicin dalalka Maraykanka, Israel iyo Masar.

Kamala Harris is vice president of the United States

Marka Afrika la eego, waa xuddunta la is ku herdin doono. Afrika waa meel hodon ku ah khayraadka dabiiciga ah, sidoo kale na waa suuq muhiim ah. Waxaa jirta in saamayntii Faransiiska ee Afrika wiiqantay oo ay kaalintaas buuxiyeen Ruushka iyo Shiinaha. Faransiisku waxa uu u habar wacday reer galbeedka. Waxa muhiimka ah waa in Afrika leedahay awood gorgortan oo ay haysato beddelo badan. Laakiin taasi waxa ay u baahan tahay hadba sida looga faa’iidaysto.