Tifaftiraha Shabakada Hayaannews Oo Ka Hadlay Shakhsiyada Ruug-cadaa Axmed Cabdi-NUUR Oo Geeriyooday.  “Axmed Cabdi-NUUR Waa Tiir Ka Baxay Saxaafadda Soomaaliyeed”

London(Hayaannews):  Alle ha u naxariiste Axmed Cabdi-NUUR oo ka mid ahaa Weriyayaasha ruugcadaaga ee Idaacada BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa maanta u geeriyooday Magaalada London ee Cariga Ingiriiska.

Axmed Cabdinuur, oo Soomaalidu ay si weyn magaciisa iyo codkiisa-ba u yaqaanneen ayaa u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida ay noo xaqiijisay xaaskiisa, Seynab Yaasiin Xirsi, oo qudheeda ka mid ahaan jirtay gabadhaha suxufiyiinta ah.

Geerida ku timi Suxufigan Ruug-cadaaga Axmed-Cabdi-NUUR ayaa si weyn uga nixisay guud ahaan shaqaalaha BBC-da, gaar ahaan asaxaabtii ay isla soo shaqeeyeen iyo kuwii uu tusaalaha lagu daydo u ahaa.

Axmed Cabdinuur ayaa BBC-da ku soo biiray bishii June ee sanadkii 1996 wuxuuna noqday weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee magaalada Muqdisho.

Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe_Janaale) iyo dhammaan hawl-wadeena ka hawlgalaa waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Saxaafadda BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga oo uu ka geeriyooday Alle ha u naxariiste Suxufi Axmed Cabdi-NUUR oo maanta oo ay taariikhdu ahayd 6.1.2021 ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Waxaan ILAAHAY uga baryeynaa Marxuumka inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo guud ahaan bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha Idaacada BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ee uu ka baxay.

“Waan ka naxay markii aan maqlay geerida Suxufi Axmed Cabdi-NUUR oo aanu ahayn isku shaqo……Suxufi Axmed Cabdi-NUUR waxa uu ka mid ahaa Suxufiyiinta rug-cadaaga ee Idaacada BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ee codkiisa lagu raaxeysto marka uu warka qaadaa dhigayo, waxaana si weyn looga yaqaanay guud ahaan dhulka Soomaalidu degto. Marxuumka waxa si qeyn loo-yaqaanaa codka uu ILAAHAY siiyay, waa tiir ka baxay Saxaafadda Soomaaliyeed oo la tebi doono ILAAHAY ha u naxariisto”.Ayuu yidhi Tifaftire Mustafe-Janaale oo ka hadlayay Shakhsiyada Suxufi Axmed-Cabdi-NUUR.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Gacal ha waayaane geeridii Axmed Cabdi-NUUR ayey sheegayaan ILAAHAY ha u naxariisto…”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com