TOOS U Daawo Xuska Munaasibadda 31-guurada Maalinta Xornimada Somaliland Ee 18-ka MAY

Hargeysa (Hayaannews):‐ Xuska 31-guurada ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya 18-kii May 1991-kii, ayaa maanta oo ay tahay 18-ka May 2022-ka, si weyn looga xusayaa guud ahaan Somaliland iyo dalalka dibedda ee reer Somaliland ku nool yihiin ba.

Xafladda dabbaal-degga ee Hargeysa ka socota oo ah ta ugu weyn munaasibadaha, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee si toos ah uga daawada;-