TPLF Oo Toddoba Qodob Ku Xidhay Xabbad Joojinta Uu Ku Baaqay Abiy Ahmed.

Mekelle (Hayaannews): TPLF Oo Toddoba Qodob Ku Xidhay Xabbad Joojinta Uu Ku Baaqay Abiy Ahmed.

Qodobada waxa kamid ah:

  1. In Maleeshiyaadka Amxaarada iyo ciidamada Eriteriya laga saaro gobolka Tigray laguna celiyo goobihii ay joogeen markii hore.
  2. In Qaramada Midoobay ay sameyso hay’ad madax banaan oo baaradha dambiyada ka dhacay gobolka tigrey, lana diyaariyo habab ku haboon oo dambiilayaasha lagu horkeeno maxkamadda dambiyada caalamiga..
  3. Bilaa shuruud waa inaa gargaar bani’aadamnimo la gaadhsiiyo shacabka Tigray.
  4. Shacabka Tigray waa inay si buuxda uhelaan dhamaan adeegyada aas-aasiga ah sida korontada, isgaadhsiinta, Bangiyada, Duulimaadyada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, Gaadiidka, iyo ganacsiga.

Sidoo kale waa in ay si toos  in loogu ogolaado gobolka Tigray  howlgalada duulimaadyada caalamiga ah.

5-. iyada oo aan wax shuruud ah lagu xidhin waa  In la ogolaado Dawladdii Tigreega ahayd ee si dimuqraadi ah loo soo doortay ee xisbiga TPLF gadhwadeenka ka ahaa.

iyadoo leh dhamaan awoodaheeda dastuuriga ah iyo masuuliyadeeda, inay dib u bilowdo shaqadeedii caadiga ahayd

  1. Waa inaa laga Noqdaa dhamaan Go’aamadii laga qaatay Gobalka Tigray Lana sii daayo Dhammaan siyaasinta u xidhan TPLF iyo Saraakisha Milatariga Itoobiga ee loo xidhay inay xidhiidh la leeyahiin Xukuumadda Tigray.
  2. Waa in la sameeyo hay’ad caalami ah oo madax-bannaan oo ka shaqaysa hirgelinta shuruudahan horudhaca ah ee xabad-joojinta iyadon waliba wax gorgortan ah laga galin karin.

~Wararka Waqooyiga Itoobiya…

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com