Trump Oo Amray In Soomaaliya Laga Soo Saaro Ciidamada Mareykanka Ka Hor Xil Wareejintiisa

Washington(Hayaannews): Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee The Pentagon ayaa sheegeysa in madaxweyne Trump uu dalbaday in dhawaan dhammaan ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya ka hor inta aanu xilka wareeejin bisha soo socota.

Trump ayaa hore u amray in la dhimo tirada ciidamada Mareykanka ka jooga waddamada Afqaanistaan iyo Ciraaq.

Inkastoo hawlgalka Mareykanka ee Soomaaliya aanu sidaa u sii weynayn, haddana ciidamadaasi Mareykanka ee gaadhaya 700 waxay door muhiim ah ka qaataan ololaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo mintidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka.

Ururka Al-Shabaab oo xidhiidhka la leh Al-Qaacidda ayaa taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika waxay u arkaan halista ugu weyn ee ka jirta qaaradda Afrika.

Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in uu sii tayaynayo xirfaddiisa ku aadan sameynta qaraxyada.

Iyadoo ay taa jirto ayaa madaxweyne Donald Trump waxa uu amray in Soomaaliya laga soo saaro dhammaan ciidamada Mareykanka ee tababarrada siiya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya isla markaana gacanta ka siiyo ka hortagga kacdoonnada hubeysan.

Amarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta ay iyaguna billaabayaan qorshahooga ka bixitaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ayaa durbaba sheegaya in ka bixitaanka ama dhimista tirada ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay noqon doonto mid halisteeda leh isla markaana xoojinayso argagixisada.

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegeysa in qaar ka mid ah ciidamadaasi Mareykanka ee jooga Soomaaliya la geyn doono waddamada deriska isla markaana ay diyaar u noqon doonaan hawlgal kastaa oo loo baahdo in laga fuliyo gudaha Soomaaliya.

Tallaabadani ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka dhigan dib u gurasho laga guranayo siyaasaddii xoghayihii hore ee gaashaandhigga ee Mareykanka, Mark Esper, oo Trump uu shaqada ka eryay bishii la soo dhaafay, kaasi oo door bidayay in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan gudaha dalka Soomaaliya.

Bartamihii bishii Oktoobar ee sanadkan ayay ahayd markii warbaahinta Bloomberg ay daabacday warbixin ay ku sheegayso in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorshaynayo inuu ciidammada dalkiisa ka soo saaro Soomaaliya.

Bloomberg ayaa waxa ay soo xigatay qaar ka mid ah lataliyayaasha sare ee madaxweyne Trump, waxaana lagu sheegay in xilligaasi uu Trump doonayay in arrintaasi uu ku xoojiyo ololihiisa doorashada.

In ciidammada Mareykanka laga soo saaro daafaha dunida oo dalkooda dib loogu celiyo ayaa qeyb muhiim ah ka aheyd ballanqaadyadii uu Aqalka Cad ku soo galay Mr Trump.

Maalmo kaddib ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa uu carrabka ku adkeeyay in dalkiisa uu u baahanyahay taageerada milateri ee uu Mareykanku siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in taageerada milateri ee uu Mareykanka dalkiisa siiyo ay u suuragelisay inay si wax ku ool ah Soomaaliya ula dagaalanto ururka Al-Shabaab, ammaan-na laga dhigo Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxa uu intaasi ku daray in howlahaasi laga guul gaari karo oo kaliya haddii uu sii socdo xiriirka dhanka ammaanka ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku salaysan taageerada aasaasiga ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in taageerada milateri ee uu Mareykanka dalkiisa siiyo ay u suuragelisay inay si wax ku ool ah Soomaaliya ula dagaalanto ururka Al-Shabaab, ammaan-na laga dhigo Geeska Afrika.

Madaxweynaha waxa uu intaasi ku daray in howlahaasi laga guul gaari karo oo kaliya haddii uu sii socdo xiriirka dhanka ammaanka ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee ku salaysan taageerada aasaasiga ah.

Saraakiisha milatariga ee Mareykanka ayaa abuuray ciidamada kumaandoonka soomaaliya ee loo yaqaanno Danab, kuwaasi oo ay tiradooda kor u dhaafeyso 3,000 askari.

Waxyaabaha kale ee ay Milatariga Mareykanka ka sameeyaan Soomaaliya waxaa ka mid ah duqeymaha loo adeegsado diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee drones-ka, kuwaasoo lagu bartilmaameedsado saldhigyada iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab.

Faragalinta milatariga Mareykanka ee Soomaaliya hadda ku sugan ayaa soo billaabatay sanadkii 2007-kii, markaasoo duqeymo ay fulisay diyaaradda nooceedu yahay AC-130 lagu dilay dad ay rayid ka mid yihiin.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii ayey ciidamada Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen duqeymihii ugu badnaa abid, oo gaarayay ilaa 60 weerar oo xagga cirka ah.

Weerarradaas oo la kala fuliyay bilihii Janaayo, Febraayo, Maarso, Abriil, Luulyo, Agosto, Oktoobar, Nofeembar iyo Diseembar ayaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsan xubnaha Al-Shabaab iyo dad shacab ahba.

Dhawaan ayay ahayd markii qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ay tebiyeen in sarkaal ka tirsan hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA-da uu u dhintay dhaawac ka soo gaaray hawlgal uu qeyb ka ahaa oo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.

Warbaahinta oo soo xigatay mas’uul hore oo warkaas xogtiisa haya ayaa sheegtay in aan weli la shaacin magaca sarkaalka, balse uu ka tirsanaan jiray ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Navy SEAL.

Lama sheegin goobta uu ka dhacay weerarka uu ku dhaawacmay sarkaalkaas geeriyooday, balse warbaahinta u janjeerta Al-Shabaab ayaa tilmaantay inay u badan tahay inuu yahay weerar ay todobaadkii hore ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ku beegsadeen deegaan ka tirsan Shabeellaha hoose.

 

BBCSOMALI

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland