Turkey Oo Mareykanka U Dirtay Baaq La Xidhiidha Iran

Istanbul(Hayaannews): Turkey ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu dib ugu soo laabto heshiiska Nukliyeerka Iran, islamarkaana uu cunaqabateenada ka qaado Jamhuuriyada Islaamiga ah, taasi oo dhabbaha u xaareysa ganacsi horumarsan oo dhex-mara labada dal ee deriska ah.

Maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa muujiyey inuu hab cusub ku wajihi doona siyaasadda Bariga Dhexe, oo ay ku jirto inuu si aayar ah ugu laabto inuu Iran kula macaamilo diblomaasiyad.

Hase yeeshee xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Washington ay dib ugu biiri doonto heshiiska, oo uu Donald Trump ka baxay 2018, marka ay Tehran dib u billowday inay si buuxda ugu hoggaansanto xeerarkiisa.

“Waxaan rajeeneynaa in Mareykanka dib ugu soo laabto heshiiska inta uu joogo maamulka Biden,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo ay shir jaraa’id Istanbul ku wada qabteen dhiggiisa Iran Javad Zarif.

“Insha Allah, cunaqabateenada iyo xayiraadaha saaran Iran waa la qaadi doonaa,” ayuu yiri Cavusoglu.

Khamiistii, Zarif ayaa sheegay inay tahay in Washington ay qaaddo tallaabada koowaad, sababtoo ah ayada ayaa ka baxday heshiiska oo ay 2015 wada saxiixdeen Iran, Midowga Yurub, Mareykanka, Ruushka iyo China.

“Diyaar ayaan u nahay inaan qeybteenna afulino, marka America ay fuliso ballan-qaadyadeeda,” ayuu yiri Zarif.

Xayiraadda Mareykanka uu saaray Tehran ayaa dhaawac gaarsiisay ganacsiga u dhaxeeya Turkey iyo Iran, oo mar ay qeyb ka aheyd saliid badan oo Turkiga ka iibsan jiray Iran.

“Turkey mowqif adag oo cad ayey kaga soo horjeeddaa cunaqabateenada Mareykanka,” ayuu yiri Cavusoglu.

AFP