“Tuuladdii Hore Ee Aan Ka Imidba Waa Laysku Haystay Mid Uu Yahay!” Sheeko Xiisa Baddan

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka sheekeeyey Sheeko xiiso baddan oo ah qosol, taas oo qofkii akhristaa jeclaysanayo.

Sheedakan Qosolka oo ay heshay Shabakada Wararka ee #Hayaannews ayaa waxay u dhignayd sidan “Nin oday ah oo aan quraanka aad u aqoon ayaa Tuulo yar iska bawsaday Oo yidhi Macallin quraanka dhiga ayaan ahay. Kolkii la soo dhaweeyey ee la xooleeyey ee uu ardaydii Tuuladda quraankii u bilaabay ayeey hawli ku bilaabantay. Niman ayaa ka shakiyey sheekhii Tuuladda in aanu ahayn waxan uu sheeganayo. Waxay yidhaahdeen waar bal aynu imtaxaano. Intay Loox soo qaadeen Oo far waaweyn hal xaraf oo qudha Oo Af Carabi ah ku qoreen ayeey ku yidhaahdeen.

“Sheekhoow xarafkani Ma woow (W) baa mise waa qaaf (Q)” sheekhii cusbaa ee Tuuladu kolkuu arkay inay jiq ku tahay oo aanu kala saari Karin arrinkan ayuu kubaddii cirka u laalay waxaanu su’aashii kaga jawaabayaa oo si xariifnimo leh isu weydaarinayaa isagoo ku jawaabaya “Tuuladdii hore ee aan ka imidba waa laysku haystay mid uu yahay!”  Kolay qofba meel bay u buuxinaysa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com