U-jeeddada Kulan Dhexmaray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Wakiilka Ingiriisku U Soo Magacaabay Somaliland Amb Lizzie Walker.

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa Arbacada maanta xafiiskiisa ku qaabilay, Wakiilka cusub ee dalka Ingiriisku u soo magacaabay Jamhuuriyadda Somaliland Amb Lizzie Walker.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee ay yeeshaan guddoomiyaha iyo danjiruhu ayaa ahaa mid is-barasho, waxaanu salka ku hayay is-xog-waraysi guud oo ku saabsan iskaashiga soo jireenka ah ee ay waddaagaan dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska, waxanna diirada lagu saaray wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa labada dawladood iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Guddoomiyaha ayaa soo dhawaynta kadib danjiraha uga waramay, geedi socodka toolmoon ee ay hay’adda Garsoorku ku talaabsaday, dib-u-habaynta lagu sameeyay iyo sida ay laf-dhabar ugu tahay hannaanka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesteeda Marwo Lizzie Walker ayaa ku bogaadisay garsoorka dedaalada ay ugu jiraan balaadhinta iyo tayaynta adeega garsoorka dalka, waxaanay hoosta ka xariiqday in dawladda Ingiriisku ay sii amba-qaadayso xidhiidhka wanaagsan ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda Garsoorka dalka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com