U-jeeddada Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tagay Dalka Talyaniga

Washington(Hayaannews): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay magaalada Rome ee caasimadda waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay uga billaabtay booqasho rasmi ah, isaga oo la kulmi doona dhiggiisa Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta argagixisada Al-Shabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxda ‘labada dalka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la sadhiidhan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeenna.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

Mobile: 0025-2-634474849

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com