UCID Oo Wasiirro Ka Mid Ah Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Komiishanka Culays Saarayaan

Hargeysa (Hayaannews) – Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa sheegay in Masuuliyiin Xukuumadda ka mid ahi ay Faro-gelin ku hayaan Komiishanka doorashooyinka, iyagoo culays ku saaraya inay wax ka beddelaan Jedwalka Diwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, iyagoo doonaya inay waafajiyaan Duruufaha xilligan ka jira degaamada ay ka soo jeedaan.

Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) ayaa sheegay in Wasiirro ka mid ah Xukuumadda oo wata Masuuliyiin ka tirsan Axsaabtu ay ka shaqaynayaan sidii ay Komiishanka ugu qancin lahaayeen in Gobollada bariga qaarkood diwaangelinta dib loogu dhigo, iyagoo ku sababaynaya inay xilligan ka jirto Abaar isla-markaana Dadkii ku dhaqnaa ka hayaameen, taasi oo ku sheegay waxaan suurto-gal ahayn, maaddaama oo hore loo qoondeeyay sida diwaangelintu u soconayso.

Prof. Abyan oo Shalay u warramay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Diwaangelinta, Komiishanku waxay diyaariyeen Jedwal ay la wadaageen Xisbiyada oo aanu isla qaadanay, kaasi ayuu Madaxweynuhuna Sal uga dhigay oo uu Digreetada ku soo saaray xilligay diwaangelintu bilaabmayso iyo xilligay dhamaanayso. Jedwalkaasi waa Jedwal cidhiidhi ah oo waa Afar afar Maalmood diwaangelintu oo deegaamada qaarkood ka cabanayeen, iyadoo culayskaasi oo dhami uu saaran yahay Komiishankii ayaa haddana waxa muuqata in Wasiirrada qaar iyagoo wata Madaxdii Xisbiyada Qaar ka mid ah ay leeyihiin deegaankayagii abaar baa ka dhacday oo Dadkii way ka maqan yihiin dib ha loo dhigo oo Sool iyo Sanaag ha la soo hor-mariyo.”

Prof. Axmed Cabdi Muuse (Abyan) waxa kale oo uu sheegay “Deegaamada Bariga, Sool, Sanaag iyo Togdheer duruuftoodu waa isku mid, Dadkuna way isku guur-guureen, wayna wada guureen, markaa inaad tidhaahdo Deegaamada qaar dan kama lihi ee iyaga hala soo hor-mariyo, kaygana dib ha loogu dhigo diwaangelinta, waxay muujinaysaa Faro-gelin Qaawan, Masuuliyad-darro, waxaan odhan karaa waa ‘Gogol-dhaaf siyaasadeed’, Ciddii Wasiirkaa ama Wasiirradaa kula socota fikirka noocaas ahina ee ka tirsan hoggaanka Xisbiyada Masuuliyaddoodii way gabeen, waxayna ku tahay Ceeb iyo Fool-xumo. Jedwal ayuu Komiishanku dajiyey, kaasaana laguna soconayaa, Gobolladaa Sool iyo Sanaag jedwal bay ku imanayaan, Togdheer Jedwal bay leedahay, Saaxil jedwal bay leedahay, ma aqbalayno in jedwalkaa la faro-geliyo oo Faro-gelin siyaasadeed ama beelaysan ama deegaamaysan (Lagu sameeyo), hadduu ku xishoon waayay Masuulka arrintaa wadaa oo Masuuliyaddii saarnayd ka celin wayday, annaga ayaan ka aqbalaynin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Jedwalkaasi wuu sugan yahay, Ilaahay ha innaga hayee Masiibooyin waaweyn oo yimaadda oo Qaran ahaan iyo Axsaab la wada arkayo mooyaane, in (la yidhaahdo) degaan gaar ah oo duruufo ka jiraan ayaan u danaynayaa, berina waxa imanaysa doorashadana deegaankayga dib ha loogu dhigo, arrintaasina Masuuliyadda ayay ceeb ku tahay, Qaranka iyo Dawladnimada Somaliland ayay ku tahay runtii in degaamadii la kala jeclaysto, arrintaasi oo socota ayaanu ka digaynaa, komiishankuna faro-gelin iyo culays noocaas ah uma baahna, Waayo? Ummadda oo dhan buu dhex u yahay, Axsaabta ayuu dhex u yahay,  waalla dhaariyey, Gar-naq Caddaalad ah ayaa looga baahan yahay, waxaanan ku rejo-weynahay inaan faro-gelinta noocaas ah Komiishanku aqbali doonin. Masuuliyiinta dabada ka riixaya waxaanu leenahay arrintaa haka waantoobaan, haddii kale waxay noqonaysaa in Magacyadooda la sheego..”

Geeska Afrika

Hayaannews, Offie

Hargeysa, Somaliland

Email:  Hayaannewssoma@gmail.com